Sunday, April 19, 2015

Alla Ma midkan sugayey ma arooskisi baa Waa Qalinkii : Maxamed Saciid Cabduulle (Abwaan Samataliye )





Aqristayasha qaaliga ahoo cizo shatafta iga mudanow waa qisadii < Alla Ma midkan sugayey ma arooskisi baa > waa qalinkii Maxamed Saciid Cabdulle ( Abwaan Samataliye) ka bogasho wacan : 

Waa qiso jacel dhab ah misena aad u xanuun badan waxey dhexmartay lamanaha Axmed iyo Aamina labadaba waxey Ku wada dhasheyn Degmada wardhiigley xaafada Furuyasha waxey so wada dhigteyn dugsigi Qur'aanka halkaso ee isku barteyn walow ey deris ahaayen .

Mudo ka dib kolki ee dhameyen dugsigi waxa yaraaday is aragi labadoodi , xiliga iyo dareemahi walalnima is badeleyn labadoodiba midba midka kale waxa galay damac waxa beermay jaceyl Ku koobnaa Uurkoda misena gubayoo aanan afka so Marin karin hadba waxey is adkeeyan, maalin maalmaha ka mid ah Aamina waxey hore u talaabsatay hal talaabo ayado dhiirogelinaya jaceylka lixaadka leh Walow xilogaasi eysan jirin aalad internet lagu wada xariira isgaarsintuna aheyd mid aad u liidata.

 Aamina waxey saaxiibo rumaad ahaayen Luul halka luulna dhanka kale isku wacnaayen Axmed Sidaad darteydna aamina Luul ka codsatay iney u balamiso caawa Axmed Luul oo aqbashay codsigii Saaxibteyd waxey gurigiisi ugu tagtay axmed , Axmed wuxu so dhaweyey luul xaal is wareysi iyo kaftan dheer ka dib u sheegtay iney caawa bacdul maqrib Ku kulmaan laamiga dukanka jalaatada hortisa.

Axmed wuxu oofiyey balanki luulna hore uso waday sxbteyd sedexdaba Ku kulmeyn Halkaas, Axmed oo ahaaa wiil aad u furfuran ayaa bilaway Sheekadi Mudo waxey kaftamanba Luul waxey halki isku bartay Axmed iyo Aamina oo harayba isku yaqanen lkn habenkas ha duwaneyd barashadoda Tii hore 

Luul waxey Axmed u sheegtay In Aamina u jeceshahay si xad dhaaf ah, Aamina waa run , Axmed inta koonka ku nool raga oo idil baan keligaa ka doortay ogaaw jeceylkan i galay ada u dhakhtar ah dhawaacyadan aan qabana adiga uun baa dabiibi karaya Quruxoow .

Axmed waxa kaso hartay aamusnaan , Asago la amankaagsan sida geesinimo leh u bandhigatay jaceylka ey u qabto , Asagana uu qarsanayey mudo dheer baqdin dareteyda illeyn ruux jaeyl galay waa maskiin , Aaminaay Aniguba kol hore buu i galay jaceylko waan kagala simanahay Dareenka qalbiyan jaceylka ah balse  caanshaqana ogeysiis ma lahan baqdin xoog leh uun baa gu jirtay ma ahee Talaahi adan Dumar ku jeclahay  , Amuurahi waxey ku xasileyn is afgarad .

Sheekadi ka dib Luul oo aanan halka ka dheereyn baa u hambalyeysay labadii lamaane iyo jaceylkooda ugubka ah una  sheegtay iney aad ugu faraxsantahay iney kulansiiso labadooda , Aamina iyo Axmed halkii bey si wadajir ah ugu mahadceliyen saxiibtod Luul .

Waqtiga wuxu socdaalaba waxa la gaaray sedexdi habeenimo waxey u kala hooyaden guryahoodi ayago faraxsan kuna balameyn iney kulmaan habeenki jimcaha xiga , kuna kulmaan isla goobti cawada.

Waxey samo ku gaaren guryahoda gogoshi koley tagen ruuxna ma uusan gam’in farxad awgeeda , kolku waagi baryey ruuxi daymooda wejigooda ku dheehan karay farxad iyo weji cusub maanta .
Halka shukaansiga yo isgaarsiinta ku koobneyd keliya dhambalo iyo in la wada kulmo maadam dalka hormarsan tiknoolajiyada eysan jirin , Aamina Iyo Mudo waxey wada socdaanba wada dhisaan jaceylka waxa ku habsatay musiibo jaceyl , dalki waxa dhacay Dagaalki u dhaxeyey dowlada iyo shabaab oo dadki oo idil ku qaxeyn Degmooyinka kale Nabada eh Sida Waaberi Xamar weyne iyo Madiina . 

Hoobiye ka cararkii Axmed wuxu u qaxay Madiina halka Aamina u qax waday Ceelasha niyaha , ma eysan jirin Ruux ka warhaaya Ruuxa kale ,dhibaatada dagaalka waxey sameyn badan ku yeeshan lamaanayashi is jeclaay , waxa kala so dhexgalay Mugdi waxaa lumay xariirkodi , waxey noqdeyn Rajo ku nool .

Ayado kaso wareegatay mudo lix bilood Axmed na war u ka heyn Gacalisadiisi Aamina , wuxu qalbgisi u sheegay inuu samir guntado kana dheerado dhulki hooyo Arrimo Amniga quseya daretoda , wuxu doorbiday inuu u kicitimo dalka south afrika una dhaqaaqay halkaa
Axmed dhib walbo kaso gaara safarkisa wuu ka dhoohanay keliya waxa kaga dhib weynaa jaceylkiisi uusan war ka heyn nolol amaba geeri , wuu sama ku gaaray Dalka south afrika halkaaso ka shaqo bilaabay asago ah maqane joogo maaankisa la heystaa xasuusahi Aamina , Asago niyada ku qaboojin jiray inshalah nooli kulante oo waad arki doonta xabiibtaada , Halka dhanka kale Aamina Ayadaba kagala sineyd Axmed oojeexeydi maqano taweysa aheyd .

Waqtiga wuxu is guraba waxa kaso wareegtay sedex sano , Axmed dib wux ugu so laabtay Dalki Hooyo oo kaso roonanaya Qalaalasahi ka dhacay , Reerahi qaxay na kuso laabten Guryahoodi , wuxu baadigoob u galay saxiibtisa balse ma uusan haleynin ileyn calaf kale baa jiraye , Axmed waxa u qaatay iney dhimatay qoftiisi , wuxuna go’aansaday inuu guursado.

Arrinka guurka Axmed wuxu kala tashaday Aabahis Cilmi , Aabo Cilmi wuxu u dooray inuu guursado gabadha Adeerkisa dhalay ee Maandeeq ileyn calafku wax walba ka weyne .

Maalinti Khamiista aheyd Axmed iyo Maandeeq waxa lo dhigay Aroos weyn kaso qeyb galeyn kumanan dad ah Alaalaska iyo mashxarada dhawaqoda saa’id ahaay , Halki oo ee mareysay Aamina ayaa dhagaheydi so jiiteyn dhawaqa iyo codadka macaan so gaaraya dhagaheyda , si ey ugu qeyb gasho ayey ku leexatay gurigi ka dhaceyey arooska , Talow maxey kala kulmi doonta ! Ileyn waa Ruux Qalbigeyda la jiidanaya .

Kolki ey so gashay gurigii Durbadiiba waxey indhaheydu qabteyn Gacaliyahedi eey sugeysay Axmed Cilmi oo caruus ah sita suudki Arooska Mar waxey is dhahdaa waa malxiiski marka waa caruuski ayado kala garan la’a , Maskixiyan naxsan misena isku buuqsan ilmaduna ku taagan tahay bey dib uso guratay Aamina , waxey jiirtay qof markasey dhahday Walal Raali noqo , codki si kedis ah waxey gaaren dhagahii Axmed durbadiba wuxu so jeestay balse wuxu arkay Aamini sii socoto wuxu gartay sii jeedkeydii wuu ka daba cararay , kaso qeyb galayashi Arooska oo la yabaan Axmed wixi ku dhacay .

Waloow Aamina oo ka gubaneysa Uurka , Ruuxy sugeysayna Misena Aroos yahay , bey  salaantay una hambalyesay oo leh Aroos wacan Axmed Gurigi lagu Nagaada Rabi idinka yeel Adiga iyo Dumashidey .

Axmed wuu yara so dhiiraday kolkii uu arkay dagananta Aamina mashalahiye wuxu isku dayey inuu ka qanciyo Xariirkooda Asago leh < Ileyn Faataxa leysku tufiyo Toliyo qaraabo ma leh calafka >
Aamina waxey dhahday Bes Axmed walalkey waan dareensahay wax walba waxba ha eedeyn naftaada , wayaaaha iyo waqtiga nakala geeyey sababtana Qaxa baa lahaay iyo Shabaabki , ee guur wacan walal waaan si soconaya .

Axmed wuxu la yaabay sida qalbi samaanta leh iyo niyada saafiga ah leedahay iyo sidey ugu qanacsan tahay Qadarta Alle , Alleylahe Tani wa Gob Gob dhashay , Halka Aamina kusi balaaratay mugdi nololeydkedi iyo murugtii kalgacal , waxey u ilmeysay si saa’id eh Urugo jaceyl ruuxi galaaa Ilmada kama dhamaato waxey ku catawday :

Qaxa iyo dhibaatadii
Qalaalisihi dhacay
Miyu qasariyey jaceylki
Mise qaladka asago laho
Qayaanay Nafteydiiye
Mise ana is qaribayoo
Been u shegay qalbigeygi
Inkasto qadartiyo calaf
Quwada ALLE tahay
Adiga Qaniyo Raxmaano
Qaadiroow ALLAHAYOW
Kala qub jaceylkan i galay
Mar qura aaan ka nasteeee

Maankeydii wuxu kuso celcelshaaa ALLA MA MIDKAAN SUGAYEY MA AROOSKISI BAA

 Dhamaad  

Waa Qalinkii  : Maxamed Saciid Cabduulle (Abwaan Samataliye )

Tuesday, April 14, 2015

Qeybti labaad Qisadii : Gefka Ruuxi galay iyo caashaqa keba gardarada leh? Qore Abwaan Samataliye




Aqriste waa qeybti labaad Qisadii
Gefka Ruuxi galay iyo caashaqa keba gardarada leh?
 

Waxa u timid hooyaded xaawo ku qancisay gabadheydii inuu jiro calaf Aabahed na uu la rabo Mustaqbal wanaagsan , Caasho waxa so wacay qaaligeydi Gacal oo war mooge ah Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin , balse kama eyan qaban talefanka , aad buu u naxay gacal wuu kuso celcelshay lagama qaban , Wuxu ku fikiray wax yaabo badan balse naftiisa ku qancisay iney tahay mashquul .

Caasho oo u dhashay waayo cusub ku beeran walwal Ayadoo ku yaaban waxey dhihi laheyd iyo sidey ugu sheegi laheyd wixi qabsaday o idil ayey wacday habeenki xigay jimcaha ku dhahday qadka so gal Walaal .

Gacal wuxu la fajacay Erayga Walal , Maadama ebid eysan dhihin ereygas , uguna bartay ereyo aad u macaan qaboojinaya qalbigiisa 

Markey isa salaamen ka dib gacal tush baa galay maadama uu dareemay inuu jiro isbadal , wuxu bilaabay inuu wareysto ku calaacalo Maxa dhacay xabiibti , miyaad xumaan iga tirsaneysaa , miyaan ku dhahay hadal ku dhaawacay , maxey tahay isbadalkaan ?  

Markasey dhahday waa maya maya Calafkeygi ma aadan noqon Aabahey nin kale igu nikaaxshay , 

Gacal aad buu u naxay wuuna rumesan kari wayey , wuxu ku dhahay  Ma ogtahay caasho inaaan lagu kaftamin sidaan oo kale miyaad dooneysa inaad wadnaha i istaajiso oo aan dhinto ?

Haa bey tiri ma kaftamaya walal waa ley nikaaxshay xaaski Cabdiqani baa noqday , Adiguna waxad nasiib u yeelatay inaan kula wadaago jaceyl waxa burburay rajadan lahayn iyo wax walbo naso dhexmaray , ma tihid ruux sahal ugu tirman doona qalbigeyga waxa igu maran xasuusta waxa i wehel ereyadadi Iyo codkagii macaana dhawaqoda aan jeclaay balse waxan Alle kaaga barbaraya mudan haween inuu calafkaaga ka dhiga iga wanaag badan aniga iy hablaha kaleba Waxad ii tahay iina ahaan doonta walal igu qaali ah Gacalow .
 
Gacal wuu rumesan waayey waxa kuso dhacday heesti Alle ha caafiye Fanaankena weynaa Cabdi tahliil < Marku ubuaxi is gaadhay marku Aayahi samaaday maxa uur xumida keenay > iyo ereyo kale calaacal ah qofki maqla oohin hoorsan doona , 

Caasho Ayadoo qancinesa saaxiibkeydi hore waxey u diray fariintaan kaso maaxatay maskaxdeydii oo ey kula dardaarmeysa una sheegeysa inuu calafka kala diray uusana gooyin xariirkooda walaltinimo .

Inkastoon is weynay
Wiiqmay Jaceylkeniyo
Wacadkeni lamaanaha
Samir ban weheshanaya
Waayahena Canshaqiyo
Waqtiyadeeni Wacnaa
Ogaw Calaf ba ka Wayne
Ha ilawin Walaltinimado
Iyo Wanaagi Dhexdeena 

Gacal waxa laso deristay Murugo caashaq iyo cidlo aad u daran wuxu ku cataaway :

Dumar midaa calmaday
Aan u qaaday caashaqa
Casiiska ka baryi jiray
Miyuu calafka iga diray?

Gabagabadii gacal wuxu guntaday samir asago aanan aqoon sirta dihan oo ah ineysan Caasho ka raali aheyn Guurka Cabdiqani balse ee u dooratay duco waalid iyo Amarkooda .

Gacal o moodayey iney qayaantay buu dhahay I GOYSAYEY MIYEY GARASHO WACANTAHAY .


Aqristayaasha qaaliga ahoo < Gafka Ruuxi galay iyo Caashaqa Keeba Gardarada leh > .

Waa qalinkii : Maxamed Saciid Cabdulle ‘Abwaan Samataliye ’

Dhamaad

Monday, April 13, 2015

Qisadii : Gefka Ruuxi galay iyo caashaqa keba gardarada leh? Qore Abwaan Samataliye






Gefka Ruuxi galay iyo caashaqa keba gardarada leh?

Asalamucaleykum Dhamaan Aqristayasha qaaliga ah Qiimaha iyo sharafta naga mudan , waa Qasadii la magic baxday ( Gefka Ruuxi galay iyo caashaqa keba gardarada leh?) waana qalinkii : Maxamed Saciid Cabdulle ‘Abwaan samataliye ’.

Aqriste intaad dunida guudkeda joogta waxaad la kulmeysa dhacdoyin kala duwan kalana mudan xasuuso kala duwan, hore soomaali ugu maahmaahday  ‘Xusuus baa geela lagu xero gelshaa! ’ .

Qisadaani waxey dhex martay lamaanahi isku wacnaay Gacal iyo Caasho , Gabi ahaanba aadanaha ma jiro ruux uurka hooyo kaso baxo asago qof yaqanaa kolki banaanka la imaada isbarashadu dhacdaa , barasho wa maalin baxnaana kumanan .

Maalin ka mid ah maalmahi ugu wacnaay so mara Gacal asago gudbaya isgoyska Baar ubax ah ayuu si kadis ah ishiisi u qabatay Caasho oo taagan dhanka kale laamiga sugeysa gaari , misena wuxu aad ula yaabay quruxdi caasho oo ahayd midan indhihaba looma dhameyn Karin , durbadiiba wuu uso talaabay dhanka ka xigtay caaasho , nasiib xumo inkaar qabe wadahi gaarigi soo gaaray dhanki caasho, caasho na  kasi raacday halkaas gaarigi .

Gacal miyaan riyoonaya mise waa runo gaariga raacday inanta , ciil iyo guhaad intaba ka dib wuxu go’an ku gaaray inuu raaco gaariga xigay ka baxay isgoykaas si uu daba dhigto raadki caasho , gacal darawalki ayu ka codsaday inuu ka daba geyo gaari saarneyd gabdhii , darawalki durbadiiba wuxu gartay inuu yahay ruux kadis kalgacal ku galay wiilkan una fuliyey codsigiisa gaariga wuu socdaba nasiib wanaag waxey kuwada kulmeen isgooyka Km4 .

Markiba Gacal waxa u bilaabay inuu la hadlo caasho , Caasha na waxey ahayd gabar aad u furfuran sheeko dheer ka dib waxey kala qaatan numberadi talefanka halki ayeyna isku macsalameyen  u kala dhaqaaqen xaafadahodi .

Gacal maalintas waxey u ahayd maalin aad u farxad badan ma ahayn jawigiisa mid dagan hadbu wuxu so muhanaya qalbigiisa muuqii quruxda badnaa ee caasho wuxu kuso celceliyaa Uunka illaahey iyo hablaheena fara badan alleylahe ka kow bey ka tahay gabadhani ma dhashii qoomki fardowsad baa ? 

Labadoodiba waxey samo ku gaaren xaafadahoodi markiiba Gacal wuxu wacay gabadhii Caasho weydiyey iney samo gaartay xaafadeydi , halkaasna ku dhex martay sheeko gaaban kuna balameyn iney isa so wacaan afarta habeenimo , Gacal waxa siyaaday farxadiisa waxana aad ula dheeraday waqtigi uuba mooday sanado inuu moogyahay xiiso uu qabo inuu maqlo codkeyda ,  Asago leh Allow maa la gaaro afarta habeenimo xiliga balanta .

Saacadu markii la gaaray afarta habeenimo gacal wuxu fadhiistay garjiinka gurigoda jawiga wuxu ahaay mid aad u dagan wuxuna so wacay caasho asagooba warkiba ku bilaabay Amaan iyo geraar kalgacal aad u macaan misena taabanaya qalbiga caansho , gacal iyo caasho waxa u bilaabtay maalmo cusub iyo farxad ,  waxey wada socdaanba xariirkoda wuxu gaaray mudo labo sano ah kalsonidodana aheyd mid aad u sareysa

Maalinti jimcaaha aheyd  Caasho waxa lagu marti qaaday gurigi gacal halkas oo ey kula kulantay Aabo Axmed iyo Hooyo ubax waxeyna aad ula riyaaqen dabci wanaaga iyo daganaanta Alle u uumay waxeyna mar qura wada dhahayn Alleylaha Tani baa mudan inuu guursada wiilkena curadka ah .

Aabo axmed iyo hooyo ubax waxey qorsheyen sidey wiilkoda ugu guurin lahayen gabadha caasho waloow uu reerka ahaay kuwa dhaqaalo yar , talo iyo ra’yi isku biirin ka dib waxey go’aamiyen bisha soo socota iney aqal geeyen wiilkooda ,
Aadanahu wax buu qorshesta balse waxa ka weyn qadarta alle Alle , Ruuxna ma ogaan kara wax walba dhamaadkoda intusan bilaabin , Alla haku ku danben doona Xariirki wacnaa Gacal iyo caasho .

Maalmo yar ka dib waxaa dalka Sweden ka yimid Cabdiqani oo la ilma ader ahaay Caasho kuna so dagtay gurigii adeerkis oo aad loogu so dhaweyey , Aabo Axmed wuxu ku fikiriyey gabadhisa caasho inuu  guuriyo wiilku ka tagay walalkiis ka weyn  .

Aabo axmed walalkisi ifka wuxu ugu tagay wiilkan , wuxuna dhintay intuu ku jiray uurka hooyadis , Barbaarinta iyo koriinshaha Cabdiqani waxa kaalin weyn ka qeyb qaatay Aabo Axmed wuxuna la jeclestay inuu u guuriyo caasho si uu waajibka adeernimo u guto , Allow yaa u sheega Aabo Axmed qalbiga gabadhisa waxa ku jira , waa iska aduun . 

Maalinimadi khamiista salaada duhur ka dib masjidka weyn xaafada ayuu Aabo Axmed uu ku mehriyey gabadhisi Cabdiqani Ayado uusan ogeysiin .

Qadadii ka dib ayuuu wacay gabdhiisi una sheegay iney tahay xaaski ina adeerkeyd Cabdiqani , Amankaag iyo Afkala tag iyo Arrin ananlo joogin bey ku noqotay caasho , ayadon u jawaabin Aabaheyd bey durbadii u carartay qolkeydi bilawday Baroor caanshaq kuna hadaaqeysa Alla Aabo muxu ka waday sidaan , miyuunan Aayaheyga igala tashaneynin , .

La soco qeybta Labaad : 


Qalinkii : Maxamed Saciid Cabdulle ‘Abwaan samataliye ’.