Aqristayasha qaaliga ahoo cizo shatafta iga mudanow
waa qisadii < Alla Ma midkan sugayey ma arooskisi baa >
waa qalinkii Maxamed Saciid Cabdulle ( Abwaan Samataliye) ka bogasho wacan :
Waa qiso jacel dhab ah misena aad u xanuun badan
waxey dhexmartay lamanaha Axmed iyo Aamina labadaba waxey Ku wada dhasheyn
Degmada wardhiigley xaafada Furuyasha waxey so wada dhigteyn dugsigi Qur'aanka
halkaso ee isku barteyn walow ey deris ahaayen .
Mudo ka dib kolki ee dhameyen dugsigi waxa yaraaday
is aragi labadoodi , xiliga iyo dareemahi walalnima is badeleyn labadoodiba
midba midka kale waxa galay damac waxa beermay jaceyl Ku koobnaa Uurkoda misena
gubayoo aanan afka so Marin karin hadba waxey is adkeeyan, maalin maalmaha ka
mid ah Aamina waxey hore u talaabsatay hal talaabo ayado dhiirogelinaya
jaceylka lixaadka leh Walow xilogaasi eysan jirin aalad internet lagu wada
xariira isgaarsintuna aheyd mid aad u liidata.
Aamina waxey
saaxiibo rumaad ahaayen Luul halka luulna dhanka kale isku wacnaayen Axmed
Sidaad darteydna aamina Luul ka codsatay iney u balamiso caawa Axmed Luul oo
aqbashay codsigii Saaxibteyd waxey gurigiisi ugu tagtay axmed , Axmed wuxu so
dhaweyey luul xaal is wareysi iyo kaftan dheer ka dib u sheegtay iney caawa
bacdul maqrib Ku kulmaan laamiga dukanka jalaatada hortisa.
Axmed wuxu oofiyey balanki luulna hore uso waday
sxbteyd sedexdaba Ku kulmeyn Halkaas, Axmed oo ahaaa wiil aad u furfuran ayaa
bilaway Sheekadi Mudo waxey kaftamanba Luul waxey halki isku bartay Axmed iyo
Aamina oo harayba isku yaqanen lkn habenkas ha duwaneyd barashadoda Tii hore
Luul waxey Axmed u sheegtay In Aamina u jeceshahay
si xad dhaaf ah, Aamina waa run , Axmed inta koonka ku nool raga oo idil baan keligaa
ka doortay ogaaw jeceylkan i galay ada u dhakhtar ah dhawaacyadan aan qabana
adiga uun baa dabiibi karaya Quruxoow .
Axmed waxa kaso hartay aamusnaan , Asago la
amankaagsan sida geesinimo leh u bandhigatay jaceylka ey u qabto , Asagana uu
qarsanayey mudo dheer baqdin dareteyda illeyn ruux jaeyl galay waa maskiin ,
Aaminaay Aniguba kol hore buu i galay jaceylko waan kagala simanahay Dareenka
qalbiyan jaceylka ah balse caanshaqana
ogeysiis ma lahan baqdin xoog leh uun baa gu jirtay ma ahee Talaahi adan Dumar
ku jeclahay , Amuurahi waxey ku xasileyn
is afgarad .
Sheekadi ka dib Luul oo aanan halka ka dheereyn baa
u hambalyeysay labadii lamaane iyo jaceylkooda ugubka ah una sheegtay iney aad ugu faraxsantahay iney
kulansiiso labadooda , Aamina iyo Axmed halkii bey si wadajir ah ugu
mahadceliyen saxiibtod Luul .
Waqtiga wuxu socdaalaba waxa la gaaray sedexdi
habeenimo waxey u kala hooyaden guryahoodi ayago faraxsan kuna balameyn iney
kulmaan habeenki jimcaha xiga , kuna kulmaan isla goobti cawada.
Waxey samo ku gaaren guryahoda gogoshi koley tagen
ruuxna ma uusan gam’in farxad awgeeda , kolku waagi baryey ruuxi daymooda
wejigooda ku dheehan karay farxad iyo weji cusub maanta .
Halka shukaansiga yo isgaarsiinta ku koobneyd keliya
dhambalo iyo in la wada kulmo maadam dalka hormarsan tiknoolajiyada eysan jirin
, Aamina Iyo Mudo waxey wada socdaanba wada dhisaan jaceylka waxa ku habsatay
musiibo jaceyl , dalki waxa dhacay Dagaalki u dhaxeyey dowlada iyo shabaab oo
dadki oo idil ku qaxeyn Degmooyinka kale Nabada eh Sida Waaberi Xamar weyne iyo
Madiina .
Hoobiye ka cararkii Axmed wuxu u qaxay Madiina halka
Aamina u qax waday Ceelasha niyaha , ma eysan jirin Ruux ka warhaaya Ruuxa kale
,dhibaatada dagaalka waxey sameyn badan ku yeeshan lamaanayashi is jeclaay ,
waxa kala so dhexgalay Mugdi waxaa lumay xariirkodi , waxey noqdeyn Rajo ku
nool .
Ayado kaso wareegatay mudo lix bilood Axmed na war u
ka heyn Gacalisadiisi Aamina , wuxu qalbgisi u sheegay inuu samir guntado kana
dheerado dhulki hooyo Arrimo Amniga quseya daretoda , wuxu doorbiday inuu u kicitimo
dalka south afrika una dhaqaaqay halkaa
Axmed dhib walbo kaso gaara safarkisa wuu ka
dhoohanay keliya waxa kaga dhib weynaa jaceylkiisi uusan war ka heyn nolol
amaba geeri , wuu sama ku gaaray Dalka south afrika halkaaso ka shaqo bilaabay
asago ah maqane joogo maaankisa la heystaa xasuusahi Aamina , Asago niyada ku
qaboojin jiray inshalah nooli kulante oo waad arki doonta xabiibtaada , Halka
dhanka kale Aamina Ayadaba kagala sineyd Axmed oojeexeydi maqano taweysa aheyd
.
Waqtiga wuxu is guraba waxa kaso wareegtay sedex
sano , Axmed dib wux ugu so laabtay Dalki Hooyo oo kaso roonanaya Qalaalasahi
ka dhacay , Reerahi qaxay na kuso laabten Guryahoodi , wuxu baadigoob u galay
saxiibtisa balse ma uusan haleynin ileyn calaf kale baa jiraye , Axmed waxa u
qaatay iney dhimatay qoftiisi , wuxuna go’aansaday inuu guursado.
Arrinka guurka Axmed wuxu kala tashaday Aabahis
Cilmi , Aabo Cilmi wuxu u dooray inuu guursado gabadha Adeerkisa dhalay ee
Maandeeq ileyn calafku wax walba ka weyne .
Maalinti Khamiista aheyd Axmed iyo Maandeeq waxa lo
dhigay Aroos weyn kaso qeyb galeyn kumanan dad ah Alaalaska iyo mashxarada
dhawaqoda saa’id ahaay , Halki oo ee mareysay Aamina ayaa dhagaheydi so jiiteyn
dhawaqa iyo codadka macaan so gaaraya dhagaheyda , si ey ugu qeyb gasho ayey ku
leexatay gurigi ka dhaceyey arooska , Talow maxey kala kulmi doonta ! Ileyn waa
Ruux Qalbigeyda la jiidanaya .
Kolki ey so gashay gurigii Durbadiiba waxey
indhaheydu qabteyn Gacaliyahedi eey sugeysay Axmed Cilmi oo caruus ah sita
suudki Arooska Mar waxey is dhahdaa waa malxiiski marka waa caruuski ayado kala
garan la’a , Maskixiyan naxsan misena isku buuqsan ilmaduna ku taagan tahay bey
dib uso guratay Aamina , waxey jiirtay qof markasey dhahday Walal Raali noqo ,
codki si kedis ah waxey gaaren dhagahii Axmed durbadiba wuxu so jeestay balse
wuxu arkay Aamini sii socoto wuxu gartay sii jeedkeydii wuu ka daba cararay ,
kaso qeyb galayashi Arooska oo la yabaan Axmed wixi ku dhacay .
Waloow Aamina oo ka gubaneysa Uurka , Ruuxy
sugeysayna Misena Aroos yahay , bey salaantay
una hambalyesay oo leh Aroos wacan Axmed Gurigi lagu Nagaada Rabi idinka yeel
Adiga iyo Dumashidey .
Axmed wuu yara so dhiiraday kolkii uu arkay
dagananta Aamina mashalahiye wuxu isku dayey inuu ka qanciyo Xariirkooda Asago
leh < Ileyn Faataxa leysku tufiyo Toliyo qaraabo ma leh calafka >
Aamina waxey dhahday Bes Axmed walalkey waan
dareensahay wax walba waxba ha eedeyn naftaada , wayaaaha iyo waqtiga nakala
geeyey sababtana Qaxa baa lahaay iyo Shabaabki , ee guur wacan walal waaan si
soconaya .
Axmed wuxu la yaabay sida qalbi samaanta leh iyo
niyada saafiga ah leedahay iyo sidey ugu qanacsan tahay Qadarta Alle ,
Alleylahe Tani wa Gob Gob dhashay , Halka Aamina kusi balaaratay mugdi
nololeydkedi iyo murugtii kalgacal , waxey u ilmeysay si saa’id eh Urugo jaceyl
ruuxi galaaa Ilmada kama dhamaato waxey ku catawday :
Qaxa
iyo dhibaatadii
Qalaalisihi
dhacay
Miyu
qasariyey jaceylki
Mise
qaladka asago laho
Qayaanay
Nafteydiiye
Mise
ana is qaribayoo
Been
u shegay qalbigeygi
Inkasto
qadartiyo calaf
Quwada
ALLE tahay
Adiga
Qaniyo Raxmaano
Qaadiroow
ALLAHAYOW
Kala
qub jaceylkan i galay
Mar
qura aaan ka nasteeee
Maankeydii wuxu kuso celcelshaaa ALLA MA MIDKAAN
SUGAYEY MA AROOSKISI BAA
Dhamaad
Waa Qalinkii : Maxamed Saciid Cabduulle (Abwaan Samataliye )
Enter your comment...aad ayaan kuugu mahad celinayaa Abwaane
ReplyDeleteereyadaada miizaankaleh ku wacyi gali ummadda walaalaha sonaliyed
wax usheegid uunbaa ka maqan
ee diin, dhul wanaagsan iyo cimilo kasii daran udgoonkeeda
caleenta geedka reexaanta markuu roobku qayoodo ha ugu darnaatee
:- ABWAAN:- MUXAMAD SICIID(SAMATALIYE).-... So Dhawoow