Marka hore Salaan Mida ugu qaalisan Aqriste :
Waa Qeybti Labaad Qisada
(Bilashadi Kalgacal iyo Beylihinti Aabo!!!! )
Maxamed na Eloborka Aadan cade kaso dhoofay asago intaas wada Xariirayeen Seynab , waxa timid diyaaradi o sidas bu ku dhaqaqay , Seynab waxey gashay maalmo mugdi eh Maxamed na sidas o kale
Balse xariirkoda ma ahyen mid jarmaay o talaab walba ey qaaadayan Ayey isku wici jireeen Mashalah xariir adag ayuu ahaaa .
Waxa kuso dhacday Maahmaahdi ahey ( Daahane hortisa Dafana jooga) Wuu u bandhigtay Seynab , Seynab waxey u sheegtay hadad badalna Ma og tahay Maxamed in ey dhumeysa walaltinimada waayo
Xariir jaceyl wax yaabo badan ayaa imaanaya iyo muran .
Balse Maxamed jaceyl baa waday waxu dhahay wax walba o sharud eh Wan kaso baxaya , Seynab sharuud weyn lama imaan balse Mas’uliyad Culus ayey la timaaday ah in eysan noqon jaceylkooda mid maseyr ku
Dhisan ineysan ebid eysan murmin IWM .
Maxamed waxu dhahay qabalto waxa dhismay xariir jaceyl , Mashalah xariirkaas o ku dhisnaay daacad iyo jaceyl aad u weyn ,
Waxa la bilay jaceylki waxa la dajiyey wadnaha waxa lagu barkiyey Boga waxa laga quudiyey dhiiga o dheefta laga siiyanayey,
Xariirkas waxa u dhisnaa mudo dhan 5bilood weli hal eray isku qilafin , Bishi lixaaad markey u dhalatay ayaa waxa dhacday in ey is waayen , Maxamed iyo Seynab mudo sedex maalin O maqal iyo qoral midna helin ,
Habeenki afaraad ayey Seynab arkay aad buu u farxay wey isa salamen
Balse Seynab waxe hadal ka bilawday waxan ka codsana inad sawirkega Iska tirto ,
Maxamed wuu yabay Maxa kugu dhacay qaali miyaan gaf canshaq Galay miyaad godob iga tirsaneysa se wax u dhacen I sheek?
Seynab Durbadiiba qadka wey ka baxday waayo xanuun aad u xun baa hayey o ey la hadli weysay .
Maxamed na walahi habeenkas sama kuma uusan seexan murug uun asago raadinaya qaladka u galay ,
Maalinti xigtay ayey is arkeen ayey runta u sheegtay inta Maanta La mehriyey o Aaabaheda siiyey wiil ina adeerkeda eh o ku nool Dalka Holland o tahay xaaska ninkaas .
Maxamed maalintas uma aheyn maalin farxad Ilmada xitaa wuu awodi Waayey in uujoojiyo balse markiba waxa ku qancay qadarta alle,
Waxuugu galay inuu la taliya Walashis marna gacalisadise o uuu Ifka ugu jeclaay naftiisa aheyd balse Calaf ka u diiday ,
Seynab ey u fahamtay in uusan awalba uusan jecleyn Waxa u ka qanciyey inuu calaf jira o ah awood sare e alle ,
Maxamed waxu dhahay ::
Calaf ku waa cajiibo
Labo calmashada kulmisay
Cishqigooda cizeeyo
Caro ka dhowre
Cadceeda sare geeyey
Gunaanadka cishqigooda
Guur ku heshiyeen
Muxu calafka ka diray !
Dhanka kalena waxa u ka lahaa :
Bilaawgi jaceylki
Bartamahii balanti
Badbaado mey helin
Bogi jaceylkiyo
Balanti adkeyd
Bilanti jaceylki
Aaba beylihiye
Baaridnimada waalid baa
Barar ka tuurte
Maxamed ilaa hada waxa gubaya jaceylki Seynab o calafka ka diray
Dhamaad
Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!
Qore Maxamed Saciid Cabdulle
Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!
Qore Maxamed Saciid Cabdulle