Qore : Maxamed Saciid Cabdulle ( Abwaan Samataliye )
Asalamucaleykum dhamaan aqristayaasha qaaliga eh walba o aduunka Daafihisa ka joogtan
Aqriste Qisadan waxa idiin diyaariyey o qalinka u qaatay Qoraga cusub MAXAMED SACIID CABDULLE (ABWAAN SAMATALIYE).
Qisadas o ah qiso jaceyl dhab eh o dareemi kara qof walba o so mara Jaceyl dhab eh balse o aanan ku guuleysan ama calafka ka hiilyey , Magaceeduna yahay Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!!
Intaan qisada aan hore u gelin waxan ka cudur daaranaya In aan Magaca Qisada qeyb ka mid eh qalad an lo fahmin o ah Beylihinti Aabo , Aaba wax walba waxa u jecel yahay inuu gabadhisa u guuriya Qofka uu ku kalson yahay o is dhihi kara wuu dhaqi kara Gabadhadaada , Mida kale Somali beynu nahnaa waxan leenahay Dhaqan aad u sharaf Badan o so jira eh o an ka awoow dugsaneyna o aanan marna ka talaabin
Ararta iyo cudur daarka yaanan ku dheeran Aqriste waa tan Qisada.
Maxa tahay jaceylo ?
Jaceyl baa lay yiraa
Ab Abooto iyo isir
Midna ma lihi
jaar baan la'ahay aadanaha
Culumo iyo Caamaba
waa isugu key mid
Qofkuu damac iga galana
Daqiiqad igu qaadan meysa
Inan darbiyada ugu dumiyaa
Aqriste Qaaliga aho Qisadan waxey hex martay Maxamed iyo Seynab O kuwada sugnaay Caasimada Dalka Soomaaliya Muqdisho cadeey, Aqriste wuu dhalan rogma waqtiga sidaan wada ognahay maalin malinta Kusi xigta wey fududaanesa isbarashada labada qof,
waxa so baxa Aalada kala duwan o agu wada xariira o ka mid eh facebook whatsapp , Viber , Tango Nimbuzz , Aaladas O sahlaya dhisada iyo dhidiba adkeynta Jaceylka ugub eh ka bilaama internetka .
Maxamed iyo Seynab Galab galbaha ka mid eh ayey ayey isku barten Qolalka ka dhisan Aaalada Nimbuzz o xiligas aad loo xiisenayey, Group ayey iskala so baxen wada hadal dheer iyo kaftan badan , Maxamed iyo Seynab aad bey isku so dhawaaden o isku garteen Xariir walaalinima iney wada dhisaan .
Mashalah Xariirki Maxamed iyo Seynab ma aheyn maalintas qura o waxa u ahaa mid siyaaday , Labadaba waxa wada jaceyl balse Seynab waxa aheyd gabar jaceyl hore Dhaawac culus kaso gaaray o ka quusatay jaceyl danbe Iney bilaabta , Uun keliya ey sugto calafkeeda Maalinta uu Irida uso garaaci lahaa
Ileyn Risiq EEBE ku qoray Geed ma waabto ,
Maxamed waxa u ahaa Qofka walaltinimada aaad u qadariya ma usan dhihin an jaceyl u badalna , Mudo markey walaltinimadoda socotay o midba midkale usanka marmin , Ayaa xili ey aheyd habeen is waresten ayago adegsanaya Aalada Internetka O awalba isku barteen ayaa Seynab ugu shekesay Jaceylkeedi hore o ey so martay iyo dhibka adkaay ey kaso martay .
Balse manta ey ka caafimaaday o ey heesato walal garab taagan , Walalkaasna u yahay Maxamed o aanan weligeda eysan arkin , Maxamed aad buu ugu xumaaday arrinta ku dhacday balse asago Qanciya ayaa waxa maskaxdiisi kuso dhacday ereyadan :
Ayaamahan is dabayaal
Kala ceenad weeyo
Axada iyo arbacaduna
Kala duwane inanyahe
Haddi beri lagugu digtay
Tana waa ayaan ka duwano
Cizaheyda wadato
Asaaga ku han weyn
Baa jio kugu hamiye
Haku seerin ayaankisa
Seynab aad bey ugu qososhay o ku dhahday Walalke Abwaan aya tahay , Balse Seynab ma eysan aheyn mid hadali walalked ku qanacday .
Keliya waxa u muuqatay dhibaatadi hore iyo waxey so martay Taaso ah astaamaha lagu yaqiin jaceyl o hore u dhahay :
Qolona dacar baan waraabiya
Sun iyo waabaayna wan u raaciyaa
Qolona waan saacidayo
Malab baan Muudsiiya
Midigtey is heystan Har iyo habeen
Tana Adinka Ka marag ah o
Mar horaa hees lagu yiri:
Waa mcn Amba waa qaraar
kolba waa sidu kuu so Maree
Maxamed asagana wuu ka fikir duwanaay waxu go’aan ku gaarayIn u hilmaamsiiya waxa ey so martay o dib u bilaabda jaceylka cusub , Maxamed kuma uusan dagdagin bandhigasho jaceyl cusub , Balse mar walba ugu sheeken jiray jaceyl wuxu hantay qalbigi Seynab .
Seynab waxe gashay nolol cusub waxe dareentay jaceyl walaltinima ,Waxe sugeysay keliya iney maxamed afkisa ka maqasho xarir jaceyl.
Sided Aqriste la socoto Hablaha aad bey u xishoodan iney dalbadan Xariir jaceyl si walba o ey qofka ugu jeceshay waa caadoda .
Maxamed na uma uusan bandhigan wax jaceyl eh , Waxe is weedarsan jireen dhambaalo kalgacal o jcl weyn laga daremaya , Waxa aad usi kobcay jaceylki magaca walaltinima lagu maldahayey.
Aqriste sidaad lasocoto waqtiga waa mere o meel qura ma jooga Maxamed safar dagdag o lama filaan baa galay si u u taga mid ka mid ah Wadamada Afrika ka dib ugu si ambabaxo wadamada yurub mid ka Mid eh,
Maxamed waxa laso darastay xaalad adag o dhanka safarka eh Waxa u sheegay Seynab , aad bey u qancisay Maxamed ey dhahday Inshalah Nooli kulante baan noqon doona haduu alle yiraahdo
E safar baa tahe niyaadada saafi ka dhig .
Maxamed waxa u ka xuma seynab uusan axdi jaceyl la dhiganu ka Tagaya xitaa nasiib uma yeelan iney waa kulmaan ayaa habeenki , Sidi balantoda aheyd qadka ku kulmeen markas ayaa Maxamed kaso go’day maankisa mar qura :
Seynapey Sadkaga
Samaha laga qoraye
Suubanihi igu ka simaa
Mahada lehe seynapey
Sxptediye saxar la'a Suubaney
Sabanba saban is dhalan ragoye
Haddi waqtiga nakala safriyey
Alla xanunaa safar iyo jaceyl saxarla'ey
Seynab ayada xunuunka qabatay ayaa ayadana waxey dhahday :
Sokeyow wanaagow
Sad weeye jaceylkuye
Salaanta iyo samaha
ku siyaado weliga ogsonaw
Sifihi walaltinamada jaceylkena
Xurmeyo xijigisa Adkeey
Samirkana si siyaadi
Alla Maxamow xanunaa
dhoof iyo jaceyl
habeenki oo idil so jeed bey ku dhameesten ayago is sabarsiinaya balan adago walaltinimo wada dhigaya ayaa waagu daalacay .
La Soco Qeybta Labaad
No comments:
Post a Comment