Tuesday, August 12, 2014

Qiso Jaceyl Dhab eh (Bilashadi Kalgacal iyo Beylihinti Aabo!!!! ) Qeybta Labaad




Marka hore Salaan Mida ugu qaalisan Aqriste : 

Waa Qeybti Labaad Qisada

(Bilashadi Kalgacal iyo Beylihinti Aabo!!!! )


Maxamed na Eloborka Aadan cade kaso dhoofay asago intaas wada Xariirayeen Seynab , waxa timid diyaaradi o sidas bu ku dhaqaqay , Seynab waxey gashay maalmo mugdi eh Maxamed na sidas o kale
Balse xariirkoda ma ahyen mid jarmaay o talaab walba ey qaaadayan  Ayey isku wici jireeen Mashalah      xariir  adag ayuu ahaaa .

Maxamed wuu sama tagay bil ayey kusi wada xariirayen walaltinima, Habeen ayuu Maxamed go aansaday in xariirkoda jaceyl u badalan .

Waxa kuso dhacday Maahmaahdi ahey ( Daahane hortisa Dafana jooga) Wuu u bandhigtay Seynab , Seynab waxey u sheegtay hadad  badalna  Ma og tahay Maxamed in ey dhumeysa walaltinimada waayo
Xariir jaceyl wax yaabo badan ayaa imaanaya iyo muran .

Balse Maxamed jaceyl baa waday waxu dhahay wax walba o sharud eh Wan kaso baxaya , Seynab sharuud weyn lama imaan balse Mas’uliyad  Culus ayey la timaaday ah in eysan noqon jaceylkooda mid maseyr ku
Dhisan ineysan ebid eysan murmin IWM .

Maxamed waxu dhahay qabalto waxa dhismay xariir jaceyl , Mashalah xariirkaas o ku dhisnaay daacad iyo jaceyl aad u weyn ,

Waxa la bilay jaceylki waxa la dajiyey wadnaha waxa lagu barkiyey Boga waxa laga quudiyey dhiiga o dheefta laga siiyanayey,

Xariirkas waxa u dhisnaa mudo dhan 5bilood weli hal eray isku qilafin , Bishi lixaaad markey u dhalatay ayaa waxa dhacday in ey is waayen , Maxamed iyo Seynab mudo sedex maalin O maqal iyo qoral midna helin ,

Habeenki afaraad ayey Seynab arkay aad buu u farxay wey isa salamen

Balse Seynab waxe hadal ka bilawday waxan ka codsana inad sawirkega Iska tirto ,

Maxamed wuu yabay Maxa kugu dhacay qaali miyaan gaf canshaq Galay miyaad godob iga tirsaneysa se wax u dhacen  I sheek?

Seynab Durbadiiba qadka wey ka baxday waayo xanuun aad u xun baa hayey  o ey la hadli weysay .

Maxamed na walahi habeenkas sama kuma uusan seexan murug uun asago raadinaya qaladka u galay ,

Maalinti xigtay ayey is arkeen ayey runta u sheegtay inta Maanta  La mehriyey o Aaabaheda siiyey wiil ina adeerkeda eh o ku nool Dalka Holland o tahay xaaska ninkaas .

Maxamed maalintas uma aheyn maalin farxad Ilmada xitaa wuu awodi Waayey in uujoojiyo balse markiba waxa ku qancay qadarta alle,

Waxuugu galay inuu la taliya Walashis marna gacalisadise o uuu  Ifka ugu jeclaay naftiisa aheyd balse Calaf ka u diiday ,

Seynab ey u fahamtay in uusan awalba uusan jecleyn Waxa u ka qanciyey inuu calaf jira  o ah awood sare e alle ,

Maxamed waxu dhahay ::


Calaf ku  waa cajiibo
Labo calmashada kulmisay
Cishqigooda cizeeyo
Caro ka dhowre
Cadceeda sare geeyey
Gunaanadka cishqigooda
Guur ku heshiyeen
Muxu calafka ka diray !




Dhanka kalena waxa u ka lahaa  :

Bilaawgi jaceylki
Bartamahii balanti
Badbaado mey helin
Bogi  jaceylkiyo
Balanti adkeyd
Bilanti jaceylki
Aaba beylihiye
Baaridnimada waalid baa
Barar ka tuurte


Maxamed ilaa hada waxa gubaya jaceylki Seynab o calafka ka diray





Dhamaad

Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!

Qore Maxamed Saciid Cabdulle

No comments:

Post a Comment