Tuesday, August 12, 2014

Qiso Jaceyl Dhab eh (Bilashadi Kalgacal iyo Beylihinti Aabo!!!! ) Qeybta Labaad




Marka hore Salaan Mida ugu qaalisan Aqriste : 

Waa Qeybti Labaad Qisada

(Bilashadi Kalgacal iyo Beylihinti Aabo!!!! )


Maxamed na Eloborka Aadan cade kaso dhoofay asago intaas wada Xariirayeen Seynab , waxa timid diyaaradi o sidas bu ku dhaqaqay , Seynab waxey gashay maalmo mugdi eh Maxamed na sidas o kale
Balse xariirkoda ma ahyen mid jarmaay o talaab walba ey qaaadayan  Ayey isku wici jireeen Mashalah      xariir  adag ayuu ahaaa .

Maxamed wuu sama tagay bil ayey kusi wada xariirayen walaltinima, Habeen ayuu Maxamed go aansaday in xariirkoda jaceyl u badalan .

Waxa kuso dhacday Maahmaahdi ahey ( Daahane hortisa Dafana jooga) Wuu u bandhigtay Seynab , Seynab waxey u sheegtay hadad  badalna  Ma og tahay Maxamed in ey dhumeysa walaltinimada waayo
Xariir jaceyl wax yaabo badan ayaa imaanaya iyo muran .

Balse Maxamed jaceyl baa waday waxu dhahay wax walba o sharud eh Wan kaso baxaya , Seynab sharuud weyn lama imaan balse Mas’uliyad  Culus ayey la timaaday ah in eysan noqon jaceylkooda mid maseyr ku
Dhisan ineysan ebid eysan murmin IWM .

Maxamed waxu dhahay qabalto waxa dhismay xariir jaceyl , Mashalah xariirkaas o ku dhisnaay daacad iyo jaceyl aad u weyn ,

Waxa la bilay jaceylki waxa la dajiyey wadnaha waxa lagu barkiyey Boga waxa laga quudiyey dhiiga o dheefta laga siiyanayey,

Xariirkas waxa u dhisnaa mudo dhan 5bilood weli hal eray isku qilafin , Bishi lixaaad markey u dhalatay ayaa waxa dhacday in ey is waayen , Maxamed iyo Seynab mudo sedex maalin O maqal iyo qoral midna helin ,

Habeenki afaraad ayey Seynab arkay aad buu u farxay wey isa salamen

Balse Seynab waxe hadal ka bilawday waxan ka codsana inad sawirkega Iska tirto ,

Maxamed wuu yabay Maxa kugu dhacay qaali miyaan gaf canshaq Galay miyaad godob iga tirsaneysa se wax u dhacen  I sheek?

Seynab Durbadiiba qadka wey ka baxday waayo xanuun aad u xun baa hayey  o ey la hadli weysay .

Maxamed na walahi habeenkas sama kuma uusan seexan murug uun asago raadinaya qaladka u galay ,

Maalinti xigtay ayey is arkeen ayey runta u sheegtay inta Maanta  La mehriyey o Aaabaheda siiyey wiil ina adeerkeda eh o ku nool Dalka Holland o tahay xaaska ninkaas .

Maxamed maalintas uma aheyn maalin farxad Ilmada xitaa wuu awodi Waayey in uujoojiyo balse markiba waxa ku qancay qadarta alle,

Waxuugu galay inuu la taliya Walashis marna gacalisadise o uuu  Ifka ugu jeclaay naftiisa aheyd balse Calaf ka u diiday ,

Seynab ey u fahamtay in uusan awalba uusan jecleyn Waxa u ka qanciyey inuu calaf jira  o ah awood sare e alle ,

Maxamed waxu dhahay ::


Calaf ku  waa cajiibo
Labo calmashada kulmisay
Cishqigooda cizeeyo
Caro ka dhowre
Cadceeda sare geeyey
Gunaanadka cishqigooda
Guur ku heshiyeen
Muxu calafka ka diray !




Dhanka kalena waxa u ka lahaa  :

Bilaawgi jaceylki
Bartamahii balanti
Badbaado mey helin
Bogi  jaceylkiyo
Balanti adkeyd
Bilanti jaceylki
Aaba beylihiye
Baaridnimada waalid baa
Barar ka tuurte


Maxamed ilaa hada waxa gubaya jaceylki Seynab o calafka ka diray





Dhamaad

Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!

Qore Maxamed Saciid Cabdulle

Sunday, August 10, 2014

Fanaanada Reer Swiss Layla Ali Leymuna Hees Cusub Siriq


Fanaanad Qaaaliga eh Layla Ali Leymuna o ah Fanaan Qurux iyo codba Illaahey u dhaliyey , o ku luqeyso Heeso fara badan o aad u macaaan ,

Heesaha Fanaanada ku luqeysa ayaa eh kuwa Ka Hadla Arrimaha Bulshada , Qaasatan ayado Fanka Ugu hiilesa Hablaha Soomaliyeed , 

Maanta Waxaan idiin so gudbineena hees aad u macaan Weliba Muqaal Qurux badan, heesta Magaceda Waa Siriq waa Jawaaabti Fanaanki Koshin Yare .
waana Ereyadii Abdullahi Tarabi iyo Musigii Omar Shariif.

Daawasho Wacan 

Qiso Jaceyl Dhab eh (Bilashadi Kalgacal iyo Beylihinti Aabo!!!! )

                            



Qore : Maxamed Saciid Cabdulle ( Abwaan Samataliye ) 
 
                                       Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!!

Asalamucaleykum dhamaan aqristayaasha qaaliga eh walba o aduunka Daafihisa ka joogtan

Aqriste Qisadan waxa idiin diyaariyey o qalinka u qaatay Qoraga cusub  MAXAMED SACIID CABDULLE (ABWAAN SAMATALIYE).

Qisadas o ah qiso jaceyl dhab eh o dareemi kara qof walba o so mara  Jaceyl  dhab eh balse o aanan ku guuleysan ama calafka ka hiilyey , Magaceeduna yahay Bilashadi kalgacalka iyo beylihinti Aabo !!!!

Intaan qisada aan hore u gelin waxan ka cudur daaranaya In aan  Magaca Qisada qeyb ka mid eh qalad an lo fahmin o ah Beylihinti Aabo , Aaba wax walba waxa u jecel yahay inuu gabadhisa u guuriya Qofka uu ku kalson yahay o is dhihi kara wuu dhaqi kara Gabadhadaada , Mida kale Somali beynu nahnaa waxan leenahay Dhaqan aad u sharaf Badan o so jira eh o an ka awoow dugsaneyna o aanan marna ka talaabin
Ararta iyo cudur daarka yaanan ku dheeran Aqriste waa tan Qisada.

Maxa tahay jaceylo ?
Jaceyl baa lay yiraa

Ab Abooto iyo isir
Midna ma lihi
jaar baan la'ahay aadanaha
Culumo iyo Caamaba
waa isugu key mid
Qofkuu damac iga galana
Daqiiqad igu qaadan meysa
Inan darbiyada ugu dumiyaa


Aqriste Qaaliga aho Qisadan waxey hex martay Maxamed iyo Seynab  O kuwada sugnaay Caasimada Dalka Soomaaliya Muqdisho cadeey, Aqriste wuu dhalan rogma waqtiga sidaan wada ognahay maalin malinta Kusi xigta wey fududaanesa isbarashada labada qof,
waxa so baxa  Aalada kala duwan o agu wada xariira o ka mid eh facebook whatsapp , Viber , Tango Nimbuzz , Aaladas O sahlaya dhisada iyo dhidiba adkeynta  Jaceylka ugub eh ka bilaama internetka .

Maxamed iyo Seynab Galab galbaha ka mid eh ayey ayey isku barten Qolalka ka dhisan Aaalada Nimbuzz o xiligas aad loo xiisenayey, Group ayey iskala so baxen wada hadal dheer iyo kaftan badan  , Maxamed iyo Seynab aad bey isku so dhawaaden o isku garteen  Xariir walaalinima iney wada dhisaan .

Mashalah Xariirki Maxamed iyo Seynab ma aheyn maalintas qura o waxa u ahaa mid siyaaday , Labadaba waxa wada jaceyl balse Seynab waxa aheyd gabar jaceyl hore Dhaawac culus kaso gaaray o ka quusatay jaceyl danbe Iney bilaabta ,  Uun keliya ey sugto calafkeeda Maalinta uu Irida uso garaaci lahaa
Ileyn Risiq EEBE ku qoray Geed ma waabto ,

Maxamed waxa u ahaa  Qofka walaltinimada aaad u qadariya ma usan dhihin an jaceyl u badalna ,  Mudo markey walaltinimadoda socotay o midba midkale usanka marmin , Ayaa xili ey aheyd habeen is waresten ayago adegsanaya Aalada Internetka O awalba isku barteen ayaa Seynab ugu shekesay  Jaceylkeedi hore o ey so martay iyo dhibka adkaay ey kaso martay .

Balse manta ey ka caafimaaday o ey heesato walal garab taagan , Walalkaasna u yahay Maxamed o aanan weligeda eysan arkin , Maxamed aad buu ugu xumaaday arrinta ku dhacday balse asago Qanciya ayaa waxa maskaxdiisi kuso dhacday ereyadan :

Ayaamahan is dabayaal
Kala ceenad weeyo
Axada iyo arbacaduna
Kala duwane inanyahe
Haddi beri lagugu digtay
Tana waa ayaan ka duwano
Cizaheyda wadato
Asaaga ku han weyn
Baa jio kugu hamiye
Haku seerin ayaankisa


Seynab aad bey ugu qososhay o ku dhahday Walalke Abwaan aya tahay , Balse Seynab ma eysan aheyn mid hadali walalked ku qanacday .

Keliya waxa u muuqatay dhibaatadi hore iyo waxey so martay Taaso ah astaamaha lagu yaqiin jaceyl o hore u dhahay :

Qolona dacar baan waraabiya
Sun iyo waabaayna wan u raaciyaa
Qolona waan saacidayo
Malab baan Muudsiiya
Midigtey is heystan Har iyo habeen
Tana Adinka Ka marag ah o
Mar horaa hees lagu yiri:
Waa mcn Amba waa qaraar
kolba waa sidu kuu so Maree


Maxamed asagana wuu ka fikir duwanaay waxu go’aan ku gaarayIn u hilmaamsiiya waxa ey so martay o dib u bilaabda jaceylka cusub ,  Maxamed kuma uusan dagdagin bandhigasho jaceyl cusub , Balse mar walba ugu sheeken jiray jaceyl  wuxu hantay qalbigi Seynab .

Seynab waxe gashay nolol cusub waxe dareentay jaceyl walaltinima ,Waxe sugeysay keliya iney maxamed afkisa ka maqasho xarir jaceyl.

Sided Aqriste la socoto Hablaha aad bey u xishoodan iney dalbadan Xariir jaceyl si walba o ey qofka ugu jeceshay waa caadoda .

Maxamed na uma uusan bandhigan wax jaceyl eh , Waxe is weedarsan jireen dhambaalo kalgacal o jcl weyn laga daremaya , Waxa  aad usi kobcay jaceylki magaca walaltinima lagu maldahayey.

Aqriste sidaad lasocoto waqtiga waa mere o meel qura ma jooga Maxamed safar dagdag o lama filaan baa galay si u u taga mid ka mid ah Wadamada Afrika ka dib ugu si ambabaxo wadamada yurub mid ka  Mid eh,
Maxamed waxa laso darastay xaalad adag o dhanka safarka eh Waxa u sheegay Seynab ,  aad bey u qancisay Maxamed ey dhahday Inshalah Nooli kulante baan noqon doona haduu alle yiraahdo
E safar baa tahe niyaadada saafi ka dhig .

Maxamed waxa u ka xuma seynab uusan axdi jaceyl la dhiganu ka  Tagaya xitaa nasiib uma yeelan iney waa kulmaan  ayaa habeenki ,  Sidi balantoda aheyd qadka ku kulmeen markas ayaa Maxamed kaso go’day maankisa mar qura :

Seynapey Sadkaga
Samaha laga qoraye
Suubanihi igu ka simaa
Mahada lehe seynapey
Sxptediye saxar la'a Suubaney
Sabanba saban is dhalan ragoye
Haddi waqtiga nakala safriyey
Alla xanunaa safar iyo jaceyl saxarla'ey


Seynab ayada xunuunka qabatay ayaa ayadana waxey dhahday :

Sokeyow wanaagow
Sad weeye jaceylkuye
Salaanta iyo samaha
ku siyaado weliga ogsonaw
Sifihi walaltinamada jaceylkena
Xurmeyo xijigisa Adkeey
Samirkana si siyaadi
Alla Maxamow xanunaa
dhoof  iyo  jaceyl


habeenki oo idil so jeed bey ku dhameesten ayago is sabarsiinaya  balan adago walaltinimo wada dhigaya ayaa waagu daalacay .

La Soco Qeybta Labaad